Xuquuqdaa iyo Mas’uuliyadda Macaamilka Columbia Gas of Ohio
Columbia Gas of Ohio aad bay ugu maqsuudsan tahay in ay ku siiso adeegga gaaska dabiiciga oo ammaan ah leyskuna halleyn karo. Waxay qeyb ka tahay howsha aan qabano oo Lagama maarmaanka ah si aan u hubino in aad u hesho adeeg, macluumaad, iyo taageeradda aad u bahan tahay oo aadna naga filleyso.
Buuggaan yar wuxuu qeexayaa sida howsheena iyo ilaaladeena u shaqeyso. Sidoo kale wuxuu macaamilka Columbia Gas u sharaxayaa xaquuqda aad iska leedahay.
Fahmidda aad fahmeyso xaquuqdaadda iyo sharciyadeena waxaan aaminsan nahay in uu naga caawinaayo in aan si wadajir ah u wada shaqeyno. Waxaan rajeyneynaa in uu buuggaani ku siin doono tilmaamo aad ku qiimeyso adeegyada aan bixinno iyo uuna kaaga jawaabo su’aalaha laga yaabo in aad qabto oo ku saabsan Columbia Gas. Fadlan xafid si uu kuugu noqdo buug la tixraaco. Haddii aad qabto su’aalo ama u baahan tahay macluumaad dheeri ah oo ku saabsan adeegyada ka mid ah kuwa aan soo sharaxney, waxaan diyaar u nahay in aan ku caawinno.
Waxaa mudnaan inoo ah in aan adiga kuu adeegno waxaanna rajeyneynaa in aan sii wadi doono mustaqbalka.
Arjiga Adeegga
Si loo codsado adeeg, naga soo wac talefoonka bilaashka ee ah 1-800-344-4077, soo wacida waxaa ku habboon 48 saacaddood ka hor goorta aad rabto in adeegga uu kuu bilowdo.
Haddii qofka codsanaaya adeegga magaciisa uu ka duwan yahay magaca kan biilka loo diraayo, waxaa laga yaabaa in aan weydiisano in codsaddaha soo fakisgareeyo nuqullo aqoonsi. Haddii aad mar hore kalyanti noo aheydna oo koontaddaadii hore lacag laguugu leeyahay, waa in aad bixissaa lacagta ama qorshooyin u sameysaa sida aad u bixin lahayd ka hor intaanan laguu bilaabin adeegga cusub.
Gelinta Adeegga Cusub – Haddii aad jeceshahay adeegga gaaska dabiica laguu soo geliyo gurigaaga ama ganacsigaaga ama la sii dallacsiiyo, waxaan ku dadaali doonaa in aan kuugu dhameystirno shan maalmood gudahood haddii aanan loo baahneyn tuubbo, ama 20 maalmood gudahood haddii codsashada u baahan tahay in la geliyo leen adeeg iyo mitir, ama taariikhda gelinta la dalbadey haddii taariikhdu modo dambe tahay.
Haddii codsigaaga uu ubaahnaado in la sii dheereeyo tuubadda uga weyn, waxaan kuula soo xiriiri doonnaa 30 maalmood gudahooda anagoo goortaasi ku siin doono qiyaastii kharashka lagu dheereynaayo iyo cadadka dabaajiga inta uu noqon doono, haddii loo baahdo. Sidoo kale waxaan ku siin doonaa qiyaas ahaan taariikhda la dhameystiraayo siyaadinta tuubadda weyn.
Back to Top Dabaajiga Dammaanadda
Waxaa laga yaabaa in aan u baahanno in aad dhigto dabaaji goorta aad adeeg codsato, waxayna ku xiran tahay codsaddaha rikoorka kareditkiisa. Dabaajiga layskagama baahnaan karo oo kuma xirna halka aad deggen tahay, qolodaada, jinisiga, da’, halka aad ka soo jeedo ama in aad xaasle tahay ama in kale. Dabaajiga waa ilaalin oo waxaa loogu tala galey in lagu bixiyo biilka ugu dambeeyo iyo looma isticmaali karo in lagu bixiyo biilalka xilliga ama biilal qorey loo bixin waayey.
Heshiiska Macaamilka Cusub – Waxaan isticmaalnaa macluumaad aan ka helno hay’adaha ka warbixiya kareditka iyo taariikhda kareditka isticmaalka shirkaddaha korontadda iyo talefoonadda si loo go’aamiyo in loo baahan yahay in dabaaji la dhigo iyo inkale.
Heshiiska Macaamilka Joogtada – Haddii aad hadda kalyanti u tahay Columbia Gas ama horey kalyanti u ahayed oo hadda codsanaayo koonto cusub, dabaaji darooro ma aha haddii adaan:
- Sanadkii hore gudahiisa aadan helin seddex ama inka badan digniin oo lacagta aad la daahdey.
- Aad ku dhacdey in aad lacagta aad bixiso sida lagu heshiiyey oo leysla gartey in aad ku bixiso biilka laguugu la haa.
- Adeeggaaga lagaa gooyey lacta aad bixin weydey awgeed.
Haddii dabaaji loo baahdo, cadadka waxay waxaa sal looga dhigey hal-laba-i-tobban (1/12) ee qiyaastii sanadka inta aad isticmaasho kudar boqolkiiba 30 iyo waxaa laguugu soo dalcayyaa goorta aad codsato adeegga.
Dabaaji halkay ka ahaan laheyd, waxaa laga yaabaa in aan ogolaano in qolo kale kuu saxiixdo heshiiska kuwaasoo hubbaal ka dhigaya in isticmaalka 60 maalmood ay bixinaayaan.
Dabaajiga ammaanadda waxaa la heynayaa ilaa hal sano. Inta sanadka socdo hadii aad markasta bixineysay oo rikoorkaaga fiican yahay, dabaajiga iyo dulsaarkaba oo sicirkiisa gooyey Guddiga Adeegga Shacabka ee Ohio (Public Utilities Commission of Ohio) (PUCO) ayaa lagu dabakhey xisaabtaada gaaska.
Back to Top Mitirkaaga Gaaska
Mitirka gaaska waa qalab cabiro cadadka gaaska dabiiciga ee aad isticmaasho. Waan tijaabinnaa oo waanna bedelnaa mitiradda gaaska muddadiiba sida waafaqsan ee ay qaybto PUCO.
Maxaa yeeley mitirka waa hantidda Columbia Gas, fara-gelintinta aan la fasaxin ama mitirka in lasoo saaro waa sharci-darro. Adiga ayaa ka mas’uul ah xifdinta mitirka waa in aad ka ilaalisid adigoo geedaha ka jaraya, iyo in aad mitirka agtiisa ka ilaaliso dhista ama keydinta. Sidoo-kale adigaa mas’uul ka ah in aad nadifiso si mitirka jidka agtiisa loo aado oo aad ilaaliso xayawaanka guri jooga.
Qoraalka Mitirka – Waxaan isku dayaynaa in aan bil dhaaf mitirkaaga u aqrino. Haddii mitirka uu ku dhex jiro dhismadda dhexdeeda ama dibbadda ku yaalo balse xiran yahay, waa in aad noo qorsheysaa sida aan u heli la heyn qoraalka ee taariikhda mitir aqrista loo qabtey ee ku muujisan biilkaaga.
Haddii aqriyaha mitirka uu heli kari waayo si uu kutago uu u aqriyo mitirkaaga, isticmaalkaaga waxaa laga yaabaa in aan qiyaasno ama aqrista aad adiga nasiiso ayaa ogolaan doonaa. Hase yeeshee 12 biloodba ugu yaraan mar waa in aad nasiisaa si aan u aqrino mitirkaaga ama waxaa laguugu xukmayaa in lacag badan laguugu soo dallaco ama waxaa suurtogal ah in lagaa gooyo adeegga. Haddii aan isticmaalkaaga inka badan laba bilood isku xigta qiyaasney, ama su’aal aad ka qabto qoraalka mitirkaaga, Dib ayaan u aqrineynaa mitirkaaga laba jeer sanadkiiba oo aan lacagna laguugo soo dalaceyn markaad naga codsato.
Ka dib markaan aqrino mitirkaaga, waxaa laga yaabaa in aan biilkaaga hagaajino si loogu muujiyo isticmaalka dhabta ah. Hase-yeeshee haddii aan awoodi weyno in aan aqrinno mitirkaaga oo aan wax yar ku qiyaasney isticmaalkaaga, waxaa laga yaabaa in aan kugu soo dallacno faraqa u dhaxeeya isticmaalka aan qiyaasney iyo isticmaalka dhabta ah ee sicirka muddadaasi u go’an. Haddii isticmaalkaaga qiyaasteenu ahaan noqoto mid dheeri ah, xisaabtaada ayaan ku dari doonaa qiimaha gaaska inta lagu jirey muddaasi.
Taariikhda Isticmaalka – Taariikhda isticmaalkaaga gaaska ee 13 bilood ee la soo dhaafey waxaad ka heli kartaa qeybta Adeegga Kooban ee biilkaaga. Macluumaadka wuxuu u qoron yahay sawir ahaan iyo qaab miis oo kale ah, iyo sidoo kale wuxuu tilmaamayaa inta maalmood ee muddada biilka. Sidoo kale waad heli kartaa haddaad codsato 12 bilood ee la soo dhaafey.
Tijaabiyaha Mitirka – Inkastoo mitirka gaaska dabiiciga yahay qalab sax ah kasoo cabira cadadka gaas ee laga isticmaaley cinwaan. Waxaad dalban kartaa in aan fulinno tijaabo si aan u hubino howsha mitirkaaga. Waxaan tijaabadda sameyn doonaa 30 maalmood gudahooda laga bilaabo maalinta aan helno codsigaaga, oo adiga ama qof ku matala ayaa nala joogi kara goorta aan fullineyno tijaabadda. Tijaabadda ka hor, waan kula socodsiin doonaa haddii aan wax dallacaad, iyo natiijooyinka ka soo baxa tijaabaddana ayadoo qoraal ah ayaan 10 maalmood ee maalmaha shaqadda oo aan tijaabadda dhameyney kula soo socodsiin doonaa.
Haddii aan ogaano in mitirkaaga saxnaantiisa tahay mid ka baxsan oo aanan loo dulqaadan karin, waan ka tanaasuleynaa kharashka laguugu soo dallaco qabashada tijaabadda iyo waxaan kuugu xiri doonnaa mitir si haboon u shaqeynaayo oo aan lacagna laguugu soo dallaceynin.
Haddii khalad uu dhaliyo in biilkaaga lacag badan laguugu soo dalco, waan ogaan doonaa ilaa muddada uu mitirka uu shaqeynin oo si mac-quul ah ayaan u xisaabin doonaa cadadka kuu taala ama aan kugu soo celin doona anagoo fiirin doona taariikhdaada isticmaalka, anagoo isticmaali doona sicirka inta lagu jirey muddadaasi. Haddii aannan awoodin si aan ku ogaano muddada cabirka saxda ah ee mitirkaaga, muddadii laguu soo dalacey waxaan ku xisaabi doonaa in ay aheyd 12 bilood ama muddadii laga soo bilaabo maalintii ugu dambeysey ee la tijaabiyo mitirka, kii ala kii yar. Nidaamkaan lama isticmaali doono haddii ay jirtey fara-gal ama fasax la’aan mitirka la gooyey, qalabka mitirka ama qalabkeena mid ka mid ah kaas oo sababey in mitirka qoraalkiisa noqdo mid aan sax aheyn ama adeeggaba aanan cabireyn.
Back to Top Qaansheegtada
Biilkaaga gaaska waxaa ku qoran macluumaad aad wax tar u leh si uu kaaga caawiyo in aad la socoto isticmaalka iyo kharashka isticmaalkaaga gaaska dabiiciga. Lacagta laguugu leeyahay iyo maalinta lagaa doonaayo oo sahlan aqristiisa laguugu muujiyey. Qoraalka mitirka kii hore iyo kanba, taariikhda qoraalka, iyo isu-geyn gaaska la isticmaaley waxaa lagu muujiyey biilkaaga ee qeybta Adeegga Kooban, iyo sidoo kale macluumaadka isticmaalkaaga ee 13 bilood ee la soo dhaafey.
Biilkaaga adeegga bisha waxaad heleysaa qiyaas ahaan bil kasta isku waqti. Maalinta saxda ah iyo isu geyn inta maalmood ee muddada biilka waxaa laga yaabaa in ay in yar kukala duwan yihiin taasina waxaa ugu wacan maalmaha bisha iyo feestooyinka soo dhex gala. Badanaaba waxaa ku jirta maalmo yar inta u dhaxeysa maalinta mitirkaaga la aqriyo iyo maalinta aad heleyso biilkaaga.
Inkastoo qiyaastii mitirkaaga aan bil kasta isku waqti aqrino, biilkaaga adeegga gaaska bishii ayaad u heshaa. Isticmaalka gaaskaaga waxaa la qiyaasaa bilaha goorta aanan aqrinin mitirkaaga. Biilkasta waxaa sal loogu dhigaa maalmaha saxda ee aad heshey adeegga, kaasoo kala duwanaan kara oona ugu wacan maalmaha fasaxda ee usbuuca iyo feestadda. Biilalka gaaska caadi ahaan wuxuu ku soo gaaraa qiyaas ahaan isku waqti bil kasta.
Qaansheegtada La Xisaabiyay – Inta bisha la jiro oo oo aanan mitirkana la aqrin, waan xisaabinnaa isticmaalka gaaskaaga. Xisaabinta waxaa la eegaa isticmaalka hore ee cinwaankaas iyo jawiga dhabta sida uu yahay labadoodaba ee inta lagu jiro muddadaasi xisaabinta. Qiyaasta waa mid aad leysku haleyn karo. Hase-yesshee, faraqa u dhaxeeya isticmaalka la qiyaasey iyo isticmaalka dhabta ah waa leysku hagaajiyaa ama waa leysku misaamiyaa goorta la helo qoraalka dhabta ah, taasina caadi ahaan waxay dhacdaa biilka xigga.
Biil la qiyaaso si aad uga-hortagto, waxaad na soo siin kartaa qoraalka mitirkaaga ee bishaasi goorta anaga aanan aqrinin mitirka. Farrriin ayaad ku arkeysaa biilkaaga inta lagu jiro bishaasi in aan helney qoraalka, kaasoo ku qoran talefoon lambar lacag la’aan ah, lambarka aqoonsiga adeegga ee cinwaankaaga, iyo bisha xigta maalinta goorta aad nasoo wargellineyso qoraalka. Si aad u barato sida loo aqriyo mitirkaaga, booqo www.columbiagasohio.com ama fiiri tilmaamaha ku qoran biilkaaga ee Macluumaadka Mitirka Gaaska hoosteeda ee safka bidix.
Back to Top Sicirka
Macluumaadka sicirkii hore iyo kan hadda iyo mid lagu bedalan karo waa diyaar markaad codsato.
Barnaamija Macaamilka ee CHOICE® – Ayadoo loo marayo Barnaamijka Macaamilka ee CHOICE®, waxaad dooran kartaa in aad in gaaskaaga dabiiciga aad ka gadato suuqaha gaaska dabiiciga ee aan nidaamsaneyn. Columba Gaas waxay weli ku siin doontaa gaas oo ay kuugu keeneyso gurigaaga ama ganacsigaaga, oo ay mitirkaagana aqrineyso, fullineyso biilkaaga, iyo aan ku siino adeeg aammin ah oo leyskuna haleyn karo. Basle waxaa laga yabaa in qeybta kharashka gaaska ee biilkaaga lacag kaaga lacag kaaga harto, taasoo xisaab ahaan u dhigmeysa inka badan laba-meel-seddex ee isku darka biilkaaga bisha, gaar ahaan inta lagu jiro xilliga kululeynta jiilaalka. Dalabaatka adigaa iska leh! isu-eegis shirkadaha ku tartama gaaska dabiiciga ee aad heli karto, booqo PUCO boggeeda ee ah www.puco.ohio.gov ama wac 1-800-299-7271.
Haddii aad ammsan tahay in dhibane “xoog looga” oo loo beddeley ama laga beddaley shirkadaada gaaska dabiiciga ama uruuriyaha dowli adigoon fasax lagaa heysan, adiga laguuma laha wixii ujro ah ee la xiriira beddelka.
Back to Top Lacag Bixinta
Ayadoo Columbia Gas mas’uuliyad ka saaran tahay in kalyantigeeda siiso siiso gaas dabiici oo aammin ah, ahna hab leysku haleyn karo, adigana mas’uuliyad waxaa kaa saaran in isla mariiba aad bixiso biilka gaaska. Markaad codsato waxaad heli kartaa in lagu siiyo taariikhda lacag-bixinta ee 24-bil.
Goorta la Bixiyo – Biilisha bille ahaa ayaa loo soo diraa iyo waxaana lagaa rabaa in aad bixiso markaad heshaba. Maalinta leyska rabo ee ku qoran biilkaga waxaa loola jeedaa oo kaliya lacagta laguu soo dalacey muddadaasi biilka ee lagu jiro. Maalinta leyska rabo laga ma waddo haraaga ku soo harey koontadii hore ee laguugu lahaa. Haddii aadan bixin karin, fadlan nala soo xiriir si dhaqso ah si aan qorshe aad ku bixin laheyd u sameyno.
Back to Top Qorshaha Lacag Bixinta
Columbia Gas si kasta ayuu isku dayi doonaa in uu caawiyo macaamilka dhibka ka heysto in ay bixiyaan biilkooda gaaska. Macaamilka si dhaqi ah waa in ay noola soo xiriiraan si heshiis gaar ah aynu u sameyno.
Qorshaha Lacag Bixinta Miisaaniyadeed – Si aan macaamiisheena sal uuga dhigno, Columbia Gas waxay kuugu deeqeysaa Qore Lacag-bixin Miisaaniyadeed, laga bilaabo Agoosto ilaa iyo inta lagu jiro Luulyo sanadka xigga. Qorshahaan ikhtiyaariga ah wuxuu si simman u qeybinayaa kharashka kululeynta jiilaalka inta lagu jiro sanadka. Hoose u ma dhigaayo kharashka guud ee isticmaalka kululeynta, balse waxuu kaa caawini karaa inuu ka hortago biilka jiilaalka ee meesha ugu sareysa gaara sidaas awgeed si aad si habboon ugu qorsheyso qarashyadda ku baxa guriga.
Biilkaaga Agoosta waxaa ku qoran cadadka miisaaniyadeed ee aad u baahan tahay in aad bille u bixiso inta lagu jiro sanadka soo socdo haddii aad go’aansato in aad ku soo biirto Qorshaha Lacag-bixinta Miisaaniyadeed. Waxaad bixin kartaa caddaasi halka aad ka bixin la’heyd cadadka lagaa rabo bishaasi si atomaatig ahaan isu diiwaan geliso. Waqtiyada kale ee sanadka, na soo wac si aan kuugu sheegno cadadka miisaaniyaddaada markaasi inta ay noqon doonto. Caddada waxaa lagu hagaajineyaa inta bilood ee ka harey sanadka miisaaniyadda.
Qorshaha Lacag Bixinta Hal-lixaad -- Columbia Gas of Ohio waxay la shaqeysaa macaamilka lacagta ku daahdey in ay bixiyaan si aad u sameyso qorshe lacag-bixin taasoo haraaga aanan la bixin u qeybineyso lix bilood ee soo socota in lagu bixiyo, oo lagu daro biilka markaasi.
Qorshaha Lacag Bixinta Meel Seddexaad – Waxaa kaliya oo la helaa inta lagu jiro xilliga kululeynta, waad bixin kartaa hal-meelood=seddex ee issu geynta biilkaaga, ayadoo ku jirta cadadka hore ee laguugu lahaa.
Qorshaha Lacag Bixinta ee Dakhliga Boqolkiiba (PIPP) – Haddii daqliga gurigaaga marka leysu geeyo yahay ama ka yar yahay inka badan boqokiiba 150 tilmaamaha saboolnimadda dowladu, waxaa laga yaabaa in aad xaq u yeelan karto in boqolkiiba 10 ee daqliga soo gala gurigaaga aad ku bixiso biilkaaga gaaska sanadka oo dhan. Qorshaha waxaa kaloo oo ku jira barnaamij deen ahaan kaa bixinaaya intii baaqa kuugu aheyd oo bixinaaya seddex meelood meel ee baaqa kuugu harey dhammaadka sanadka, baaqa soo harey ee nusmeelood meelna la bixinaayo dhammaadka sanadka labaad, baaqa harey ee aanan la bixinna dhammaadka sanadka seddexaad haddii lacag-bixinta PIPP joogto si buuxda loo bixinaayey iyo muddaasina woqtigeeda la bixinaayey.
Back to Top Barnaamijyada Gargaarka
Barnaamijka Gargaarka ee Tamarta Guriga (HEAP) – Haddii daqliga gurigaaga uu yahay ama uu ka yar yahay boqolkiiba 175 tilmaamaha saboolnimadda dowladda iyo oo aad adiga mas’uulka ka tahay bixinta kharashka kululenta gurigaaga, waxaa laga yaabaa in aad xaq uleedahay in aad HEAP ka hesho taageero dhaqaale. Arjiyadda baddanaaba waxaa la ogolaadaa inta u dhaxeyso Sebtembar 1 ilaa iyo Maarso 31. Haddii aad taageero heshay sanadkii la soo dhaafey, si atomaakig ahaa ayaa arijiga boostada laguugu soo direyaa. Arjiga sidoo kale waxaad ka heleysaa
Hayaddaha Waxqabadka Beesha aad degen tahay, Hayaddaha Da’da ee Xaafaddaada, Adeegyadda Qooska iyo Shaqadda ee Qeybta Degmadda, iyo maktabooyinka xaafaddaada. Waxaa lagaaga bahnaan doonaa in aad soo raacciso caddeyn daqli ee 13 ka bilood ee la soo dhaafey iyo biilka ugu dambeeyey oo koobi ah waxaadna soo raacidaa arjigaaga oo saxiixan. Macluumaad dheeri ah ama sida loo codsado, la xiriir Hayadda Waxqabadka Beesha aad degen tahay ama Waaxda Horumarrinta Ohio ka wac 1-800-282-0880.
HEAP-ga Degdegga ah – Waxaa raaca, barnaamijka Deg-HEAP-ga Degdegga ah wuxuu mar kaliya siinayaa ilaa $175 xilliga kululinta macaamilka u qalma, daqligooda yar yahay si ay u heystaan ama loogu soo deeyo adeegga gaaska. Mararka qaarkood, E-HEAP waxaa sidoo kale loo isticmaali karaa in lagu sameeyo dib-u-hagaajin. Muddada codsiga ee E-HEAP waa Nofembar 1 ilaa iyo Maarso 31. Arjiyadda waa in lagu soo dhameystiraa Hayadda Waxqabadka Beesha. Macaamilka waxaa looga baahan yahay in ay qorshaha lacag-bixinta ee ay waajibeysey Dowladda Gobolka Ohio mid ka mid ah saxiixaan si ay u helaan faa’idooyinka degdegga ah.
HeatShare – Barnaamijka sanduuqa shidaalka ee Columbia wuxuu isu geeyaa deeqaha ka yimaada macaamilka, shaqaalaha, iyo tabarruca ka yimaada shirkiila-yaasha shirkadda si loo taageero macaamilka dhibka ka heysta in ay lacagta bixiyaan oona kusoo daaley nidaamyo kale oo ay taageero dhaqaale ku helaan ama dhib kale oo gaar ah iska heysto. Si aad aad u codsato HeatShare, la xiriir Salvation Armay laanta degmadaadda.
WarmChoice – Barnaamijka WarmChoice wuxuu bixiyaa adeegyada barista tamarta, boos- iyo dib u hagaajinka ama bedelaada nidaamka kululeynta-biyo, ka illaalinta, hawo xirka, talaabo caafimaad iyo badbaadda si ay macaamilka daqligooda guriga marka leysu geeyo ka yar tilmaamaha u yaala PIPP. Adeegga WarmChoice waxaa laysku siyaa lacag la’aan iyo ayaa leysku siyaa ama lacag yar macaamilka biilkiisa wuxuu hoose ugu hoos dhigi karaa boqolkiiba 30. Iyo dhammaan macaamilka waxaa u soo haraayo qalabka kululeynta gaaska oo badbaado ah iyo guri raaxo ah. Si aad u ablaaygareeyso faa’idooyinka WarmChoice, wac adeegga usoo gudbinta ee gobolka oo dhan 1-800-952-3037 si laguugu wareejiyo shirkadda deegaankaaga.
Wargelinta Qof-seddaxaad – Waxaanu wargelin doonaa qof seddexaad marka macaamilka qatar ugu jiro in laga gooyo adeegga lacagta uu bixin waayey darteed. Adeegga muhiim ma aha in micnaheedu yahay in uu ka hortagaayo in la’gooyo, and qofka seddexaad waajib aaga ma dhigeyso in uu bixiyo biilka, balse waxay uga digeysaa in qof ay daryeelaan in uu ubaahan yahay caawinaad ama tallo.
Shahaadadda Caafimaadka – Haddii adiga ama qof kale oo reerka degan xaalad caafimaad xummo qaba, Shahaadadda Caafimaadka waxay dib u dhigeysaa 30 maalmood in adeegga la jaro. Columbia Gas form ayaa wuxuu u faakis gareyneyaa shaqaale caafimaad oo shatiyaysan, oo looga baahan yahay in uu dhameystiro, soona saxiixo uuna anaga noo soo celiyo ka hor inta aanan la jarin. Shahaadadda hore waxaa lagu sameyn karaa adigoo talefoon soo dira haddii aad toddobo maalmood gudahooda aad digniin qoraal ah noogu soo dirtohesho. Hadii adeegga gaaska lagaa jaro, foomka waa in aan helnaa 21 maalmood gudahood ee markii lagaa jarey si dib laguugu soo celiyo adeegga. Shahaadda Caafimaadka waxaa kaliya ee la isticmaali karaa in dib loogu dhigo in la jiro in aannan ka badneyn seddex jeer muddada 13 bilood.
Back to Top Hannaanka Lacag Bixinta
Columbia Gas waxay heysaa fursaddo badan oo macaamilka ku bixiyo biilka gaaska sida elektroonik ahaan, boosta, telefoon, ama asigoo shaqsi ahaan u keeni kara.
Lacag Bixinta Atomaatikada ah ee ZipCheck – Halka aad bil kasta jeeg ka soo qori laheyd, bangigaaga ayaad kala hadli kartaa in uu xisaabta socota ama keydka ka siiyo biilka gaaska. Waxaad u baahnaaneysaa in aad dhameystirto foomka oggolaanshaha si aad uga faa’deysato adeegga bilaashka ah.
Kaarka Bangiga/Amaahda ama Jeegga Electroniga – Biilkaaga waxaad ku bixin kartaa internetka ama si dhaqsi leh ugu bixin kartaa telefoonka adigoo isticmaalaya karedit/Debit kaard kaaga ama jeega elektrooniga adigoo u maraya NCO EasyPay. Fursaddaan gaar ahaan waxay faa’ido u leedahay haddii aad ku dhowdahey in lagaa jaro. Hishiis ganacsi markaay fullisaba NCO waxay kugu dalceysaa ujro. Booqo www.columbiagasohio.com iyo tuuji “Maamul Koontadda Gurigeyga” in ay kuu gudbiso “Bixi Biilkeyga” ama NCO ka wac 1-800-284-8572. Haddii koontadda Columbia Gas aad lacagta kala daahdey oo lagaa jari la rabo adeegga, Waa in aad ku wargelisaa oo aad sii saa lambarka cadeeya in aad bixisey biilka 10:00 p.m. ka hor maalinta loo qabtey in lagaa jaro si aad uga joojiso in lagaa jaro.
CheckFree e-Bill-ka – Warqadaha iska daa! Waxaad dalban kartaa in biilkaaga Columbia Gas laguugu soo diro oo aadna ku bixiso internetka ayadoo bilaash ah. Waxaad email ka heleysaa CheckFree goorta biilkaaga bisha uu diyaar noqdo, waxaana la socda linkis macluumaad muhiim ah oo ku saabsan xisaabtaada, amniga, iyo dhowrista. Mar alla markaad saxiixdo in internetka laguugu soo diro biilkaaga, hal biil oo waraaq kaliya ayaa Columbia Gas kaliya ayaa boostada kuugu imaaneysa.
Shaqsi Ahaan in aad u Bixiso – Goobo badan oo loo fasaxey in ay lacagta qabtaan ayaa ku wada yaala aagga adeegyada. Naga soo wac 1-800-344-4077 ama booqa boggeena www.columbiagasohio.com si aad u ogaato goobta kuu dhow. Iska hubbi in aad isticmaasho wakiiladda loo fasaxey oo kaliya horeyna u soo qaad labadda qeyb (kor iyo hoose) ee biilkaaga ama sii 15-lambar ee lambarka xisaabtaada. Kuuma xaqiijin karno in biilka aad ka bixiso goobaha fasaxa u qabin in ay na soo gaari doonto woqtiga loogu tala galey ama xitaa lama sideedaba lama hubo in ay noosoo diri doonaan. Fadlan ka digtoonow goobo qaar in macaamilka ay ujro ka qaadaan waxaana laga yaabaa in ay u baahan yihiin biilka si aad u bixiso ama lagaa qaado lacag dammaanad ah.
Boostada in aad ku Dirto – Isticmaal baqshadda lagu soo celiyo oo la timaadda biilkaaga, ama u soo dir:
Columbia Gas of Ohio
P.O. Box 742510
Cincinnati, OH 45274-2510
Jeeg Ahaan in aad ku Bixiso – Ogsoonow marka aad biilka Columbia Gas jeeg ahaan ku bixo, waxaad noo fasaxeysaa in aan jeegga u rogno macluumaad elektroonig ah oo hal jeer daqli laga soo gudbiyo xisaabtaada jeega oo lagu bixiyo biilkaaga. Dakhliga waxaa suurto gal ah in sida ugu dhaqsaha badan laga yaabo xitaa maalinta xitaa in loo soo gudbiyo lacagta. Bangigaaga jeegga kuuma soo celin doono balse wuxuu ku muujin doonaa qoraalka maaliyadeed. Macluumaad intaa dheer, ama haddii aadan dooneyn in jeeggaaga loo beddelo wareejin elektroonig, fadlan wac wakiilkeena jeeg socodsiiyaha ka wac lamabarka bilaashka ah 1-866-282-1850, 7:00 a.m. – 7:00 p.m., Isniinta - Jimcaha.
Back to Top Su’aalo ku Saabsan Biilkaaga Gaaska
Fadlan si dhaqo ah noola soo xiriir haddii aad su’aal ku saabsan ama aad dhib kaa heysto bixinta biilkaaga gaaska. Si kasta oo suurto gal ah ayaan waxaan isku dayi doonnaa in aan ku xallino su’aashaadda oo waxqabad iyo dhaqsi leh. Waxaad xaq u leedahay markasta ad muraajaco ku sameyso xisaabtaada.
Habka Su’aal Jeedinta – Marka hore anaga noola soo socodsii xaaladdaada ama cabashadaadda. Si aad ula haddasho wakiilka adeegga macaaliisha, naga soo wac talefoonka bilaashka ee ah 1-800-344-4077 inta u dhaxeysa 7:00 a.m. ilaa iyo 7:00 p.m., Isniinta ilaa iyo Jimcaha. Saacadda ugu fiican ee la soo waci waa 11:00 a.m. ilaa 3:00 p.m. Waxaa sidoo kale isticmaali kartaa oo aad ku bixin kartaa adeegyada kala duwan adigoo isticmaala nidaamka telefoonka atumaatiga ee 24 saac ee maalintii, todobo maalin usbuuciiba, ama markasta waxaad isticmaali kartaa internetkaka www.columbiagasohio.com.
Marka qoraal ahaan u soo direyso arinta ku quseysa, iska hubbi in aad soo raaciso lambarka xisaabtaada iyo sida ugu suurto galka macluumaad badan ee ku saabsan arrinta, oona u soo dir Columbia Gas of Ohio, P.O. Box 2318, Columbus, OH 43216-2318. Sida ugu dhaqsaha badan ee suurto galka ah ayaan uga soo jawaabi doonnaa.
Inta aan baaritaanka noo socoto adeeggaaga gaaska lagaama joojin doono. Hase-yeeshee haraa hore oo kasta ama haraa aanan leysku haysan waa in dhammaanteeda la bixiyaa, ama sameeysaa heshiisyo lagu bixiyo harraaga. Waa in la bixiyaa maalinta lagaa doonaayo ee ku qoran biilka. Sidoo kale, muddada baaritaanka hadday sii socoto oo muddada biilka kale lagu gaaro, adiga ayaa mas’uul ka ah in aad bixiso dhammaan lacagta hadda lagaa rabo ee muddadeeda ku bixisaa.
Waxaad xaq u leedahay in arrintaada aad kala haddasho horjoogaha haddii aadan ku qancin qofka ugu horeeya ee aad la xariirtey. Marka aad nala soo xiriirtey ka dib, haddii cabashadaadda aan wax laga qaban, ama macluumaadka deegga guud, macaamiisha deegaanka ama ganacsiga waxay u wacci karaan PUCO oo ka wacci karaan talefoonka bilaashka ee ah 1-800-686-7826 ama talefoonka dhegooliyaasha TDD/TTY ee talefoonka bilaashka ah 1-800-686-1570, laga bilaabo 8:00 a.m. ilaa 5:30 p.m. maalmaha shaqadda, ama booqo www.puco.ohio.gov.
Guddiga Macaamiisha ee Ohio (OCC) waxay matashaa macaamiisha deegaanka arrimahooda PUCO ka hor. OCC waxaa lagala xiriiri karaa talefoonka bilaashka oo ah 1-877-742-5622 laga bilaabo 8:00 a.m. ilaa iyo 5:00 p.m. maalmaha shaqadda, ama booqo www.pickocc.org.
Back to Top Jarista Adeegga
Columbia Gas wuxuu macaamiishiisa siinayaa adeeg aan kala go’ la’heyn goorta la xafido heshiisyadda lacag-bixinta, iyo sharciyadda howl qabadka la dhowro. Adeegga gaaska waan jari karnaa sida uu qabo sharciyadda PUCO iyo mid kamid ah shuruudaha soo socoda oo ka mid ah:
- Gef ama diidmo in la raaco sharuudaha iyo nidaamka guud ee shirkadda adeeggeeda guud, kaasoo ansaxisey oo feelka kula jirto PUCO
- Haddii adeegga loo isticmaalo hab waxyeel-layn adeegga macaamiil kale
- Goorga uu siinaayo adeeg khilaaf ku ah qaanuunka ama sharci kasta
- Goorta uu macaamiilka ka guuro cinwaanka adeegga
- Goorta siinta adeegga dheliso xaalad halis
- Goorta adeegga lagu helo si xatooyo ama hantidda shirkadda si ulla kac ah lagu waxyeeleeyo
- Dib u hagaajinta, waxaa lasameyneyaa digniin hore marka la bixiyo haddii joojin la filaayo in ay ka badato lix saacadood
- Haddii macaamiilaha uu dalbado
- Haddaan lacag la bix, haddiiba shuruudaha PUCO uu waafaqsan yahay
Haddii heshiisyo lagu bixiyo lacagta aanan la sameyn, waxaad heleysaa “Digniin Joojis” oo ku wargellineysa maalinta lagaa jaraayo adeegga gaaskaaga. Hadana waxaa lagu siin doonaa woqti aad kula xiriirto Columbia Gas si aad u joojiso in lagaa gooyo; Hase-yeeshee waxaa laga yaabaa in laguugu dalco $5.50 oo ah ujradda uruurinta. Haddii adeegga lagaa jaro oo aadna bixiso cadadka lagaa rabey adeeggaaga 12:30 p.m. ka horba waan kuu soo xireynaa, waxaan adeeggaaga kuu soo deyn doonaa isla maalintaasba ka hor inta aysan maalinta dhammaan.
Xadadka Jarista – Columbia Gas waxaa laga yaabaa in ay kaa jarto adeegga ka dib marka ay 14-maalmood digniin qoraal ah ku siiso inta lagu jiro saacaddaha caaddiga ee shirkadda, Haddii anaga:
- Kaa arno 12:30 p.m. ka hor ee maalin kasta ee maalinta ka horeysa goorta aan caadi ahaanba u qabanin in aan dib u xirno
- Isku dayno in aan kula soo xiriirno ka hor inta aanan jarin
- Aan kuugu sheegney digniinta jaridda si aad shirkadda u weydiisato in ay biilkaaga muraajaco ku sameeyaan iyo, haddii aadan ku qancinna, la xiriirto PUCO. Adeegga lacag bixin darteeda looma jaraayo intii ay ay PUCO muraajacadeeda socoto oo uu maran ka jiro biilka .
Jarista Xilliga Jiilaalka – “xilliga kululeynta” waa muddada sanad kasta laga bilaabo Nofembar 1 ilaa iyo Abriil 15. Adeegga waxaa laga yaabaa in la jaro inta lagu jiro muddadaan haddii shirkadda ay raacdo shuruudahaan dhan:
- Aan xiriir hore la sameyno macaamilka aan shaqsi ahaan, telefoon, ama warqad qoraal oo digniin ah u dirno
- Waxay macaamilka la socodsiineysaa ilaha dowlada, dowladda gobolka, ama dowladda hoose ee caawinaad biilalkaaga kaa bixisa laga heli karo
- Haddii macaamilka lagu ogaado in uusan lacagta lagu leeyahay uusan si buuxda u bixin karin, shirkaddu waa
- in ay siisaa qorshe uu ku bixin karo ee ah seddexda-meelba inta ku harsan ee laga rabo kadib marka laga jaro dhammaan caawinaadda uu ka heli karo dowladda, hadday jirto wax, AMA Qorshaha Lacag-bixinta ee Boqolkiisa (PIPP), kaasoo u ogolaata macaamilka u qalma in uu bixiyo boqolkiiba 10 ee daqliga guud ee soo gala reerka.
Xuquuqda Kiraystaha – Haddii aad ku nooshahay guri milkiilaha uu bixiyo biilka, oo milkiilaha bixin waayo, Columbia Gas waxay digniin ku dhejineysaa dhamaan guryaha degen yahay kireystaha iyo digniinta waxaa kaloo lagu dhejinneyaa meelaha laga arki karo, sida halka laga soo galo, looga baxo, iyo sanduuqyadda boostadda ugu yaraan 10 maalmood ka hor maalinta loo loo qabtay in la jaro. Kireystayaasha waxay joojin karaan in la jaro ayagoo bixiya lacagta lagu leeyahay milkiilaha ama awooddooda xaqa u siiya Xeerka Milkiilaha-Kireystaha ee Sharciga Dib-loogu laabtey ee Ohio.
Back to Top Dib-u-gelinta Adeegga
Mar kasta way sahlan tahay oo aniga iyo adigaba wuu noo qarash yahay in aan adeegga gaaskaaga sii wadno. Qorsheynta lacag-bixinta wax lagu sii daro waxay adiga kaa reebeysaa dhib. Anaga sidoo kale waxay naga yareyneysaa kharashka nooga baxa howsha, taasoo ugu dambeyntii faa’ido u ah dhammaan macaamiisheena.
Haddii adeegga la jarey, waxaa dib loo soo gelinayaa inta ay san dhammaan maalinta caadiga ee xigta oo shirkadda shaqeyso, adigoo heysta cadeyn in aad bixisey biilka laguugu lahaa, waxaa intaasi raaca $19 oo laguu soo dalacaayo si laguugu soo xero iyo/ama dabaaji in aad dhigto.
Badbaadadda Gaaska Dabiiciga
Gaaska Dabiiciga waa aammin, nadiif, iyo waana il tamar oo wax-qabad fiican oo kululeysa gurigaaga ama ganacsigaaga. Nidaamka qeybinta tuubbooyinka waa kuwa ugu horeeya ee leysku haleen karo iyo nidaam aammin oo lagu gudbiyo tamarta. Mar kasta waxaan ka shaqeynaa si aan u hubinno in tuubbooyinka aammin yihiin. Qeyb ka mid ah dadaalka aan ugu jirno wuxuu adiga kaa caawinnayaa in aad garato oo aad ka soo jawaabto xaalad kasta oo khatar noqon karta, sida waxyeelo lama fillaan oo ku yimaada tuubbooyinka.
Baro in aad Garato oo aad la fal-gasho Daloolka Gaaska Dabiiciga – Haddii aad aragto dalool oo aad gaas uriso, aragto (daruur cad, ciiryaamo ama ceeryaamo) ama aad maqasho (cod xiin-la mid ah ama foori), raac seddexdaan tallaabo:
- Dhismaha si dhaqso ah uga bax. Tarraq ha shidin, ha taaban wax qallab koronto ama dhalka kan laga daaro, daaqaddaada kor ama hoos ha udhigin ama mobayilkaaga ama talefoonka guriga ha’isticmaalin ka hor inta aadan ka bixin.
- Columbia Gas ka wac 1-800-344-4077 talefoon kuu dhow ama mobayilkaaga mar alla markaad ka fogaato dhismaha oona ka dooro lambarka 2.
- Meel ammaan ah ku sug in uu yimaado shaqaalaheena ka hor inta aadan gallin dhismaha.
Dayactirka Leymanka Gaaska Duugan ee Macaamilka leeyahay – Gaaska dabiiciga waxaa laga soo qaadey ceelal soo saara ayadoo loo soo mariya tuubbooyin waa weyn oo dhulka hoostiisa ku jira oo lagu magacaabo leemanka gudbiya. Ka dib gaaska wuxuu aadaa magaalooyinka degmooyinka ayaddoo loo mariyo leemanka waa weyn. Ayadoo ku yimaada leemanka waaweyn, gaaska dabiiciga waxaa loo qaaddaa guryahaaga ama ganacsigaaga ayadoo loo mariyo leemanka adeegga, kaasoo joogsadda mitirka gaaska. Columbia Gas of Ohio waa iska leh oona dayac-tira leemanka waaweyn oo soo gudbiya ilaa sanduuqa qarka jidka ku yaala. Hase-yeeshee milkiilaha dhulka ayaa mas’uul ka ah dib-uhagaajinta iyo badalaadda dhamaan leemanka adeegga iyo leemanka guryaha ee ka baxsan qarka jidka, kasoo ku jira wixiiba ka badan mitirka qalabka guryahaaga ama ganacsigaaga.
Haddii tuubbooyinka duugan aan la xifdin, waxaa laga yaabaa in ay noqdaan kuwa dhamaada oo markii woqti ka soo wareegana darroora. Badbaaddada awgeed, tuubbooyinka mar kasta waxaan ka fiirinnaa darroor. Haddii leemanka yahay bir, sidoo kale waxaan ka fiirinnaa inay ruujinno noqdeen. Waxaan illaalinnaa dhamaan tuubbooyinka u dhaxeeya tuubbooyinka leemanka shirkadda ka soo billow ilaa iyo mitirka. Haddii illaaliyaheena waxyeelo ku arko qeybta dhinacaaga oo adiga aad iska leedahay, waxaa laga yaabaa in aan kaa joojino adeeggaaga ilaa iyo inta aad ka sameyneyso.
Illaalin, rakkibaad, dib-uhagaajin ama badalaad kasta ee lagu sameynaayo leeminka gaaska ama qalabka waa in ay sameeyaan qandaraasle heysta shattiga kuleeleynta/qaboojista ama tuubbiiste shatiyeysan sida ay qabto tilmaamaha ay sameysey Wakaaladda Gaadiidka ee Mareykanka (DOT). Haddii qandaraaslaha uu ku dhaco in uu raaco niddaamka saxda ah oo uusan saxiixin oona kaga tagin goobta shaqadda “Kaardka Aqoonisga Adeegga” ee jaalaha ah, Columbia Gas ma awoodo in ay dib usoo xirto adeegga. Liiska qandaraaslayaasha ee hadda oo ay aqoosni sida Wakaaladda Gaadiidka ee Mareekanka qabta ka heysta waxaad ka heleysaa boggeena oo ah www.columbiagasohio.com.
Wac Ka hor inta Aadan Qodin – Ka hor inta aadan bilaabin mashruuc u baahan in dhul ama dayac-tir guyaha aad ku sameyso kaasoo u baahan in la qoddo, hubbi in aad Adeegga Ilaalinta Aaladdaha ee Ohio (OUPS) ka wacdo 1-800-362-2764 markay ugu yar tahay waa in aad laba maalmood ee maalmaha shaqadda ka hor wacdaa si laguugu calaamadeeyo meelaha ku duugan leemanka gaaska ee laga yaabo in ay noqon karto meesha la dhisaayo. Waa sharci, oo waa badbaadintaada!
Aqoonsiga Shaqaalaha – Dhammaan shaqaalaha iyo qandaraaslaha shirkaddeena waxay xirtaan aqoonsi sawir ah iyo way ku faraxsan yihiin in ay ku tusaan haddaad ka codsato. Haddii aadan hubbin aqoonsiga shaqaalaha, ama la cadeeyo shaqadda laga qabanaayo gurigaaga dhexdiisa ama agaarkiisa, naga soo wac 1-800-344-4077. Shaqaalaheenu wuu fahansan yahay haddii macaamilka uusan hubbin oo uu wac si uu u xaqiijiyo aqoonsigooda. Kuuguma khasbayaan in aad u ogolaato in guryaha ay soo galaan. Shaqaalaha Columbia badankooda waxay wataan gaari calaamadeysan oo si fiican looga arki karo.
Ha’ u ogolaan in qof gurigaaga soo gala oo sheeganaayo in uu ku siinaayo lacag ka timid Columbia Gas. Shaqaalaheena marnaba lacag caddad ma geeyaan ama “lacag-celis” macaamilka gurigooda uguma geeyaan. Dhammaan heshiisyadda koontada boostada, internetka ama talefoonka ayaa lagu sameeyaa. Haddii dhaqdhaqaaq tuhun dareento boliiska wargeli. Haddii shaqsi iskaa sheegey in uu yahay shaqaalaha Columbia uusan aqoonsina munaasibna haysan, boliiska wac oo kadibna anaga na soo wac. Isku diyaari in aad faahfaah qeexsan aad naga siiso shaqsiga iyo gaarigaba, adigoo raacinaaya lambarka shatiga hadii la heli karo.
Back to Top Xuquuqda Xafidaadda Macluumaadka Gaarka ah
Waan garaneynaa muhiimadda ay kali ahaanshahaaga kuu leedahay. Lambarka koontaddaada ma bixinneyno ama koontadda qof ka leh lambarka soshal sikiyuuritigiisa ayadoon qoraal ogolaansho la heysan. Hase-yeeshee marar qaar waxaa laga yaabaa in aan liiska macaamilka oo uu ku jiro magacaaga, cinwaankaaga, sicirka kala saara iyo macluumaadka isticmaalka siino qolo seddexaad, sida kuwa suuqgeeya oo uu barnaamijka Macaamilka ee CHOICE® u golaaday in ay ka qeyb qaataan.
Waxaad xaqu u leedahay in aad xaddido qeyb ama dhammaan in la sii daayo macluumaadka macaamilka u gooni yahay. Waad dalban kartaa in aad xaddido sii deynta taariikhda macluumaadka biilkaaga (isticmaalka sanadkii) kaliya, ama waxaad dalban kartaa in aan lagu heyn macluumaad kasta ee ku saabsan xisaabtaada Columbia Gas oo la raaciyay liiska macaamilka. Marnaba madhaceyso in lambarka talefoonkaaga qof la siiyo, xitaa haddii aad doorato in magacaaga lagu daro liiska macaamilka.
Waa in aad nasoo ogeysiisaa haddii aad doorato in maluumaadkaaga kalyanti la sii deyn. Fadlan nala soo socodsii go’aankaaga adigoo naga soo waca 1-800-344-4077. Hadii aanan war kaa helin, macluumaadkaaga kalyanti waa lagu dari doonaa liisaska macaamilka ee mustaqbalka.
Back to Top Macluumaad Dheeraad ah
Waxaan rajeyneynaa in buuggaan-tilmaamaha uu kaa caawiyey in aad fahamto sharciyadeena iyo howlaheena. Adiga ayaa sabab u ah ganacsigeena oo waxaan dooneynaa in aan wax kasta oo awoodeena ah oo suurto geliya in xiriirkeena noqdo mid la jecleysto aan sameyno.
Haddii aad su’aalo dheeraad ah qabto ama macluumaad dheeri u baahan tahay ka dib markaad aqriso buuggaan-tilmaamaha, fadlan nagala soo xiriir siyaabaha hoose ku qoran. Waxaad muraajaco ku sameyn kartaa koobiga adeegga gaaska ugu yar ee uu dejiyey PUCO ee boggeeda ah www.puco.ohio.gov, ama koobi ka codso Guddiga.
La Xiriir Xarunta Macaamilka
Columbia Gas of Ohio
P.O. Box 2318
Columbus, OH 43216-2318
Foon: 1-800-344-4077
Saacadaha Shaqadda: 7:00 a.m. – 7:00 p.m. maalmaha shaqadda
www.columbiagasohio.com
Gaaska Degdegga
Habeenadda, maalmaha aanan la shaqeyn, iyo feestooyinka
1-800-344-4077
(nidaamka talefoonadda atumaatiga ah ka dooro 2)
Guddiga Adeegyadda Shacabka ee Ohio
(Public Utilities Commission of Ohio)
1-800-686-7826 (1-800-696-1570 TDD/TTY)
Saacaddaha Shaqadda: 8:00 a.m. to 5:30 p.m. maalmaha shaqadda
www.PUCO.ohio.gov